Al Shabaab oo Dhalinyaro ku toogtay Gobolka Jubbada Dhexe

0
80

al-shaaaaa

Xarakada Al Shabaab ayaa dhalinyaradani waxa ay ku toogteen Goob fagaaro ah oo ku taalla Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ragani la toogtay oo tiro ahaan gaarayay illaa 3 qof ayaa lagu kala Magacaabi jiray Saciid Maxamed Cali oo lagu  eedeeyay in uu Basaas u ahaa Dowladda Ethiopia , Isaaq Abshirow iyo Cabdirisaaq Sheekh Cali oo iyaguna lagu eedeeyay in isku tag ay sameeyeen.

Goobta toogashada ay ka dhacday ayaa waxaa ka soo qeyb galay Boqolaal dad ah oo ka mid ahaa Shacabka halkaas ku nool.

Saraakiil u hadasha Al Shabaab ayaa ka digay in dadka ay ku dhiiradaan falalkaas oo kale iyadoo ciddii lagu arkana sida ay sheegeen ay ka qaadi doonaan tallaabo la mid ah midda haatan lagub qaaday dhalinyaradaasi.

Al Shabaab ayaa sheega in xukunno Shareecada Islaaamka Waafaqsan ay la tiigsadaan dadka ku kaca falal dambiyeedyada kala duwan.