Daraawaliin ka cabaneysa shaqo la’aan

0
7149

Dhadhaab-238x178

Qaar ka mid ah Daraawaliinta Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxa ay ka cabanayaan shaqo la’aan soo food saartay, kadib markii xerada Dhadhaab ay ka soo laabteen Qaxootigii ugu badnaa.

Gaadiidleydan ayaa waxa ay isaga kala gooshi jireen xerooyinka, IFO, Dhagaxley iyo Dhadhaab, halkaasi oo ay ka raadsan jireen nolol maalmeedkooda.

Waxa ay sheegeen hada in aysan jirin wax shaqo ah, maadaama Qaxootigii ugu badnaa ay ku soo laabteen Soomaaliya, taasina ay sheegeen in ay caqabad ku noqotay. 

Qaar ka mid wadayaasha Gaadiidleyda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen shaqo la’aantaan awgeed in ay noqdeen Goomisteyaal, maadaama aan shaqo kale la heynin.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in Bishii November ee sanadkii hore ay xireyso xerada Dhadhaab, intaasi wixii ka dambeeyay waxaa jiray walaac iyo shaqo la’aan soo food saartay shacabka Dhadhaab.