Golaha shacabka oo maanta dooranaya Guddoomiye

0
101

doorasho-1-300x225

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta dooranaya Guddoomiyaha Baarlamaanka ee 4ta Sano ee soo socota.

Xildhibaannada waxaa ay kala dooran doonaan 4 Musharrax oo kal ah Max’ed Sh.Cismaan Jawaari oo xilka soo hayay afartii Sano ee la soo dhaafay,C/Fitaax Ibraahim Geeseey oo Wasiirka Amniga ka ahaa Koofur Galbeed,Idiris Cabdi Dhaqtar oo Xildhibaannada hadda ka mid ah iyo C/Rashiid Max’ed Xiddig oo Wasiiru dowlaha wasaardada arrimaha gudaha iyo federaalka ahaa.

Doorashada waxaa ay noqon doontaa qaab qarsoodi ah waxaana wareegga 2aad u gudbaya tartamayaasha hela codadka ugu badan ee Xildhibaannadda.

Guddoomoyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ee qaban qaabada doorashada C/Raxmaan Ducaale Beyle,ayaa u sheegay mustaqbal in doorashada ay bilaaban doonto sagaalka subaxnimo ayna filayaan in ay nabada ku soo dhamaato.

Korjoogto ka socota Caalamka ayaa ka mid ah korjoogayaasha doorashada Soomaaliya waxaana ay Waddanka joogayaan ilaa doorashada Madaxweynaha dalka.