Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Galmudug oo sharci darro ku tilmaamay Kalsooni kala noqoshadii Madaxweyne Guuleed

0
10

madaxweynaha_galmudug_guuleed_hol-620x330

Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Diirshe Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in aanu Dastuurka Galmudug waafaqsaneen xil ka qaadistii Cabdikariin Xuseen Guuleed ee shalay ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulkaasi.

Mudane Diirshe ayaa tilmamay in Guddiga Dastuurka Baarlamaanka aan la soo marsiin eedeymaha xil ka qaadista Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Galmudug uu ka dhawaajiyay in ay haboonaan lahayd in looga yeero Madxweynaha inta aan codka Kalsoonida loo qaadin Baarlamaanka si uu isku difaaco islamarkaana uga jawaabo eedeymaha ku foorara.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Xildhibaanada maalmo kooban ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha hadana isla maalmahaasi gudahooda ay sheegeen in ay  codkooda Kalsoonida kala noqdeen Madaxweynaha taasina ay sharci ahaanshaha xil ka qaadistaas ka sii fogeyneyso.