Gudoomiye Najax “Wada shaqeyn la’aan ayaa jirta

0
751

najaxg

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shacabka ku nool Gobolka Shabeelaha Hoose waxa uu ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, si looga hortago weerarada Shabaab.

Waxa uu sheegay Gudoomiye (Najax) Shabaab in ay ku sugan yihiin qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose, balse hada ay wadaan Dadaalo Shabaab looga saarayo Shabeelaha Hoose.

Ibraahim Aadan Cali (Najax) Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay sababta ay Shabaab u soo weeraraan Degaanada Shabeelaha Hoose in ay tahay, wada shaqeynta Ciidanka ammaanka iyo shacabka oo aad u yar. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa waxa uu sheegay hada in ay ku dadaalayaan sidii loo yareyn lahaa weerarada Shabaab