Itoobiya oo iibsaneysa 720,000 Tan oo Qamadi ah

0
343

qamadi

Waaxda iibka Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay u baahan tahay 720,000, oo Tan oo Qamadi ah,waxaan Dowladda ay sheegtay in dalabkeeda uu ku egyahay 3da Bisha February ee Sanadkan.

Waxaa ay Dowladda intaas ku dartay in 3 bilood gudahood ay ku daabulan doonto Qamadigaas marka ay hesho ciddii ay ka iibsan lahayd.

Ganacsatada filaya in ay howshaas qandaraas ku qaataan ayaa sheegaya in bilaha March,April iyo may ay dhameystiri doonaan daabulaadda Qamadiga.

Hay’adda Cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO,ayaa sheegtay Bishii December ee Sanadkii hore in 12 Milyan oo ku nool Itoobiya,Kenya iyo Soomaaliya ay u baahanyihiin gargaar cunto oo deg deg ah.

Itoobiya ayaa Sanadihii 2015-2016 iibsatay Qamadigii ugu badnaa,waxaana ay markaas ku dabooleysay baahida ka dhaltay abaaraha ku dhuftay Itoobiya.