Ninkii weeraray kaniisadda dadka madow oo dil lagu xukumay

0
70

_93351403_hi037210909

Nin ay ku weyntahay cadaannimada, Dylann Roof, ayaa lagu xukumay dil ka dib markii uu sagaal qof oo madow ah ku dilay kaniisad ku taalla South Carolina.

Dylann Roof, ayaa bishii tagtay lagu helay 33 fal dembiyeed, oo ay ka mid ahaayeen, Neceyb, iyo inuu rasaas ku furay dad bible baranaayay sanadkii 2015-kii.

Wuxuu diiday inuu ka soo noqdo naceybka ku jiro iyo falka uu geystay, wuxuuna xeer-beegtida u sheegay, “waxaan dareemayay inay waajib igu ahayd inaan sameeyo, welina waxaa dareemaayaa inaan ficilkaas mid la mid ah sameeyo”.

Trump: Soomaaligii weerarka Ohio gaystay ma ahayn inuu dalka joogo

Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin

Xeer-beegtida ayaa seddax saacadood ka doodayay arrintan ka hor inteysan gaarin go’aanka.

Xasuuqaasi ka dhacay kaniisadda wuxuu argagax geliyay Mareykanka, wuxuuna ifiyay dhibaatada ka taagan xiriirka qowmiyada, iyo sii jiritaanka calanka midab takoorka.

Roof wuxuu booliska u sheegay in uu doonayo inuu billaabo dagaal jinsi ku saleysan, waxaana sawir laga qaaday asigoo haysta “calanka colaadda”, kaas oo astaan u noqon kara naceyb.

Musiibadaas ayaa sababtay in calankaasi laga saaro aqalka maamulka South Carolina, halkaas oo 50 sano uu ka babanayay.

Ka dib dilkaasi, Obama ayaa tagay kaniisadda oo la hadlay dadka madow, wuxuuna xusay dadkii billaabay kaniisaddaasi oo madow ahaa. 

kadib markii lagu xukumay dilka 22 sano jirka dadka laayay wuxuu dalbadey in loo magacaabo qareenno cusub uuna dacwadda dib u billaawo obama; trump ma hogaamin karo usa 

mareykanka oo qirtay inuu duqeemo ku dilay ciidammo galmudug ah gorsooraha degmadda richard gergel oo u jawaabay roof ayaa sheegay inuu si adeg u diidey wuxuuna roof u sheegay inuu dib u fikiro