Qatar oo Dowladda Soomaaliya Ugu Deeqday Lacag 3-Milyan oo Dollar

0
419

Qatar-flag-620x330

Wargeyska Al-Qudus Al-Carabi ayaa Saake Daabacay in Dowladda Qatar ay la walaacsan tahay Xaaladaha bani aadamnmo ee ka jira Soomaaliya 

Wargeyska ayaa Cinwaan ugu dhigay “Dadka Abaaruhu saameeyn gurmad deg deg ah ayey  u baahan yihiin si aysan lasii kulmin khataro ka daran mida iminka Heysato”.

Kulan ayaa Magaalada Dooxa oo ah Caasimadda Qatar waxaa ku yeeshay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda dalkaasi.

kulankaasi Waxaa looga wada hadlay sidii xiligaani gurmad deg deg ah Loosoo gaarsin lahaa gudaha Soomaaliya si wax loogu qabto dadka isugu darsoontay Abaaraha iyo Colaadaha u dhaxeeya u dhaxeeya ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab.

Qatar ayaa guud ahaan qaarad weynta Afrika ugu deeqday 10-Milyan si gaar ah ayee u Soomaaliya u sheegtay in ay ugu deeqday 3-Milyan oo si deg deg ah gacanta Qatar loogu soo bixinayo isla markaana lagu wareejinayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay ugu gar-gaarto dadka u baahan sida ay sheegtay.