Tahriibayaal Somali ah oo ku dhintay Guri ay ka degganaayeen Talyaaniga

0
45

TAHRIIB-620x330

Muwaaddin Soomaali ah ayaa ku dhintay labo kalena waxaa ay ku xirmay neefta kaddib markii uu dab qabsaday Guri ay ka degganaayeen Dalka Talyaaniga,halkaas oo ay Tahriib ku joogeen.

Dhallinyarada oo tiro ahaan gaaraya 130 Qof,ayaa waxaa ay Tahriib ku galeen Talyaaniga,waxaan kaddib la dejiyay Guro ay siisay Dowladda,lix bilood kaddib ayaa laga saaray Guryihii kaddib markii lagu war geliyay in Qaxooti cusub oo ka tagay Afrika ay gaareen Talyaaniga lana dejinayo.

Intaas  kaddib ayey dhigeen banaanbaxa,waxaana ay isku dhaceen Booliska,kaddibna waxaa la dejiyay Teendho iyada oo xilli Habeen ah ay Teendhadii ka gubatay.

3 ka mid ah Dhallinyarada ayaa isku dayay in ay Guriga uu dabka qabsaday ka soo saaraan Dukumiintiyo kaga jiray,waxaana kaddib,halkaas ku naf baxay mid ka mid ah Wiilashii halka labo kale ay neef qabatimeen.

Wiilasha ayaa hadda seexda Garoon lagu ciyaaro Kolayga oo ku yaalla Koofurta Dalka Talyaaniga,waxaana ay la’yihiin cid ku xannaaneysa halkaas.