Arsenal Oo Rikoor Xun U Dhigtay Kooxaha Reer England Ee Kasoo Muuqday Tartanka Champions League-ga.

0
96

Arsenal mar kale ayey ku kuftay garoonka Allianz Arena waxeyna ka xambaartay Jarmalka in ku dhaw darsan goolal ah kulan lagu suldaaray 5-1, waana lugta koowaad wareega 16-ka koobka horyaalada yurub.

Gunners waxey rikoor aan wanaagsaneen u dhigtay kooxaha reer England ee kasoo muuqday tartankaan, kadib markii ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee 200-gool laga dhaliyo tartanka Champions League-ga marka la fiiriyo kaliya kooxaha matalay England. Arjen Robben ayaa hogaanka u dhiibay Bayern Munich isagoo shabaqa la haleelay kubad cajiib aheyd oo uu kasoo tuuray banaanka xerada ganaaxa, balse Alexis Sanchez ayaa soo celiyay rajada Jamaahiirta Gunners kaas oo dib u saxay qalad ahaa in laga badbaadiyay rigoore lagu galay Laurent Koscielny. Qeybtii dembe ee ciyaarta aya ala burburiyay Arsenal waxaana 4-gool ugu shubay Robert Lewandowski, Thago Alcantara iyo Thomas Muller, waxeyna gunners u aheyd habeen qaraw ah.