Dawladda Islaamka oo dad badan ku laysay Pakistan

0
102

Qarax ka dhacay masaajid caan ah oo ku yaalla Koonfurta Pakistan ayaa dilay ugu yaraan 72 ruux, sida ay booliisku sheegeen.
Qofka qaraxa gaystay ayaa isku qarxiyay dad Suufiyo ah oo ku cibaadaysanayay magaalada Sehwan ee gobolka Sindh, sida ay booliisku sheegeen.
Rai’salwasare Nawaz Sharif ayaa cambaareeyay qaraxaas, kaas oo ay sheegteen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.
Waa qaraxii ugu waxyeelada badnaa ee ay sheegtaan Dawladda Islaamka, Talibanka Pakistan iyo malayshiyooyinka kale ee dhaca muddooyinkii u dambeeyay.
Diyaarad Pakistan leedahay oo dhacday
Dad ka shaqeeya xuquuqda oo laga waayay Pakistan
Sarkaal sare oo laga ‘dilay’ Talibanka Pakistan Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ruuxa weerarka gaystay uu miino tuuray ka dibna isku qarxiyay dadka suufiyada ah oo xadraynaya, sida ay ku warrantay warbaahinta deegaanku.
“Waxaan arkay maydad meel walba yaalla, waxaan arkay maydadka haween iyo carruur” nin ayaa sidaa u sheegay warbaahinta gudaha.
Sawirro laga qaaday gudaha goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya dhulkii oo dhiig qariyay, iyadoo ay daadsan yihiin dhar iyo kabo sandal ah.