Dhalinyaro Dil iyo Dhaawac loogu geystay Magaalada Muqdisho

0
318

Ugu yaraan hal Ruux ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Askar ka tirsan Militariga Soomaaliya ay rasaas ku fureen Dhalinyaro ku sugnaa Xaafada Badbaado Degmada Dharkeenleey.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Askartan ay doonayeen in dhac u geystaan Dukaan ay halkaasi ku leeyihiin Dhalinyadan, waxaan murun dhexmaray labada dhinac uu sababay in rasaas lagu huwiyo Dhalinyaradaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii falkaasi geystay ay isaga carareen goobta.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka iyo kuwa Maamulka Degmada Dharkeenleey oo ku aadan Dilkaasi.