Dhalinyaro lagu xir xiray Degmada Balanballe ee Galgaduud

0
574

Guddoomiyaha Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud Jaamac Xeyle Maxamuud  ayaa faah faahin ka bixiyay 5 dhalinyaro oo shalay gelinkii dambe lagu xiray degmadaasi kuwaas oo lagu eedeeyay dhibaatooyin Amni xumi.

Mr Jaamac Xeyle Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in dhalinyaradaasi ay ahayeen kuwa Hubeysan islamarkaana ay Rasaas ku furayeen Gaadiidka Dadweynaha  ee halkaas isaga kala goosha.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maamulka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa cod dheer ku sheegay in aysan u dulqaadan doonin dadka falalka Amni darri ka geysta degmadaasi.

Tallaabadaan ayaa imaaneysa iyadoo shacabka degmadaasi Balanballe maalmihii la soo dhaafay ay cabashooyin ka muujinayeen kooxo Burcad ah.