Inta badan waddooyinka Muqdisho oo saaka xanniban.

0
675

Waxaa saaka xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho kuwaas oo la soo dhoobay Carro Tuuryo iyo Dhagxaan.

Ciidamada Ammaanka ayaa ku gaaf wareegaya waddooyinka kuwaas oo la sheegay in ay xaqiijinayaan Nabad gelyada Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la arkayaaa Gaadiid ay la socdaan Ciidamada dowladda Federaalka oo kormeer ku sameynaya waddooyinka Muqdisho.

Arrintaan ayaa imaaneysa maalin ka hor xilliga lagu wado in ay dalka ka dhacdo doorashada Madaxweyne Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya u diyaar garow xoogan oo la xiriira Arrimaha Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya.