Maamulka Shabeelaha Hoose oo billaabay qorsho cusub oo ay ku qaadayaan Isbaarooyinka.

0
612

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Maamulkooda uu billaabay hanaan cusub ay u qaadayaan Isbaarooyinka.

Mr Najax ayaa ku nuux nuuxsaday in ay Wadahadal iyo wacyi gelin intaba u sameeyaan Ciidamada soo dhigtay Jid gooyooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Tallaabadaan ayuu hoosta ka xariiqay in wax badan ay ka tartay wax ka qabasahda Isbaarooyinka la soo dhigo Gobolka Shabeelaha Hoose wax ka qabashadooda.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa inta badan waxaa soo buux dhaafiya Isbaarooyin lacago sharci darro ah looga qaado gaadiidleyda iyo shacabka isaga kala goosha deegaanada Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.