Madaafiic xalay la isku weedaarsaday Degmada Qoryooleey

0
708

Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay tiro Madaafiic ah ay ku garaaceen Saldhigyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida uu xaqiijiyay Taliyaha Saldhiga Degmada Qoryooleey ee Dowladda Soomaaliya Cali Waal Madaafiicda ayaa ku dhacay Saldhigyada Ciidamda dowladda Federaalka  iyo AMISOM ay ku kala leeyihiin gudaha iyo banaanka degmadaasi.

Warar Madax banaan ayaa iyaguna ku soo warramaya in ay jireen Madaafiic AMISOM ay ku jawaabayeen oo ku hoobtay duleedka degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma cadda khasaaraha duqeymahaasi Madaafiicda ah ee la isku weedaarsaday degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.