Madaxweyne Farmaajo: Ciidamada AMISOM wey sii joogayaan Soomaaliya

0
162

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyay Ciidamada AMISOM, sida ay u garab istaageen Madaxweynihii hore ee Dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, waxuuna tilmaamay in Dagaal Xoogan ay la galeen Xarakada Al Shabaab.

Mudane Farmaajo ayaa waxuu carabka ku dhuftay in Ciidamada Nabad Ilaalada u jooga Dalka ay baxi doonaan markii tababar la siiyo Ciidamada Xooga kuwaasi oo la wareega amaanka guud ee Dalka Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxuu imaanayaa xili Shalay uu si rasmi ah ula wareegay Xafiiska Madaxtooyadda Soomaaliya.