Ra’iisal Wasaaraha xigga, Axmed Macalin Fiqi mise C/naasir Cabdulle Maxamed

0
348

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo laga dhawrayo in uu soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, ayaa waxaa uu hadda ka fekeraya laba xubnood midkii uu jegadaasi u soo magacaabi lahaa.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa la leeyahay wuxuu si dhow uu gacanta ugu hayaa CV-yada Axmed Maxamed Fiqi iyo C/naasir Cabdulle Maxamed, oo labaduba ka soo jeeda Beesha Sacad/Habargidir.

Axmed Macalin Fiqi waxaa weeye Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, waxaana uu horey u soo noqday Agaasimihii Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Danjirihii Somaliya u fadhiyay Wadanka Sudan.

Axmed Macalin Fiqi oo nin hawlkar ah, ayaa si dhow ula soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyadoo iminkana uu cilaaqaad wanaagsani la leeyahay Madaxweynaha cusub.

C/naasir Cabdulle Maxamed oo nin ganacsade ah, ayaa waxaa uu ka mid ahaa musharaxiintii la tartameysay Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha la doortay ee Somaliya.

C/naasir Cabdulle oo haysta dhalashada Wadanka Mareykanka, ayaa u muuqda nin geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii uu ku noqon lahaa Ra’iisal Wasaaraha xigga.

Ilo madax bannaan, ayaa xaqiijinaya in labaduba ay gacan ka gaysteen guushii uu Madaxweyne Farmaajo ka gaaray, doorashadii madaxtinimada dalka ee 8-dii bishan lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Ra’iisal Wasaaraha xigga uu ka imaan doono Beesha Sacad, hase ahaatee uu Madaxweynuhu ku mashquulsan yahay shakhsigii uu u soo xulan lahaa.