Suuqa: Manchester City Oo Isku Diyaarineysa Iney Lacago Rikoor Ah Kusoo Qaadato Dele Alli.

0
247

Manchester City ayaa dooneysa iney rikoorka aduunka u jabiso saxiixa wiilka da’da yar ee Tottenham Hotspur Dele Alli kaas oo haatan ku jira waqtigiisii ugu xariifsanaa kubadda cagta.

Sida ay warineyso jariiradda Daily Express, Citizens waxey caashaqeen Dele Alli kaas oo leh tayo miiran waana mid ka mid ah xidigaha da’da yar ee la filayo iney saameyn weyn ku yeeshaan kubadda cagta dunida.

Dele Alli wuxuu kooxda Spurs kaga yimid dhanka naadiga MK Dons, balse Pep Guardiola iyo kooxdiisa waxey diyaar u yahiin iney Spurs miiska u saaraan aduun dhan 89 Malyan Oo Pound, waana lacagaha uu ku fadhiyo Paul Pogba oo haatan heysta rikoorka ugu weyn kubadda cagta suuqa kala iibsiga.