Xildhibaan Shaacir oo doorashadiisii Mar kale La Diiday

0
157

Doorashadii mar kale uu shalay kusoo baxay Xildhibaan Cabdullaahi Shaacir oo ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa waxa ka hor yimid gurdiga doorasahda Heer Federaal.

Warsaxaafadeed Kasoo baxay Gudiga Heer Federal ayaa waxay sheegeen in Kursigii 5aad Ee Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka uu amray in dib loogu tartamo. 

Gudiga waxay sheegeen inay ka hadleen Arintaasi Ayna ogaadeen si musuq maasuq ah wax udhaceen.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKAASI

Ku celinta kursigii Jubbaland oo mar kale si xun loo maamulay
Kursiga Jubbaland ee tixraaciisu yahay HW/0094/JL/ waxa uu ka mid ahaa 5tii kursi ee Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka uu amray in dib loogu tartamo. 2 February 2017 ayaa magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay doorashada kursigaas, ayada oo ay u tartameen Cabdullaahi Aadan Shaacir iyo Mohamed Mukhtar Ibrahim. Doorashadaas oo laba jeer la codeeyay, waxaa labadii jeerba cod badnaa Mohamed Mukhtar balse guddidii doorashada waxay sheegeen in codad xumaadeen. Arintii waxay dhalisay buuq taa oo keentay in doorashadii la joojiyo.
Waxaa doorashadii dib loo qabtay 6 February 2017 balse waxaa la badalay ergadiii. Kursiga waxaa iska lahaa Jufada Doqondiide ee beesha Gaaljecel. Halkii ay ka codeyn lahaayeen jufadii iska lahayd kursiga waxaa guddigii doorashada u baddaleen in kursiga ay u codeeyaan ergo ka socoto beesha Gaaljecel. Nabadoon Iimaan Maxamed Xassan oo ah wakiilka ugaas beesha waxa uu sheegay inay tahay arintaan midaan la aqbali karin. Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashada Dadban oo soo farageliyay arintaa ayaa sheegay in ergada ka timaado jufada iska leh taas oo ah qaabkii doorashooyinkii hore u wada dhaceen. Nasiib daro guddigii maamulayay doorashada waxay qabteen doorashadii ayada uu meesha fadhiyay musharax Cabdullahi Adan Shacir, kaligiis waxaana la sheegay in uu ku guuleystay 40 cod. Waxaa muuqata in kursigii 5aad mar kale si xun loo maamulay.
Mismanagement over the rerun seat of Jubbaland
Seat Number HW/0094/JL of Jubbaland was on the five seats annulled by the Independent Electoral Disputes Resolution Mechanism. The first rerun of the seat took place on February 2, 2017 in Kismayo. Abdullahi Adan Shacir and Mohamed Mukhtar Ibrahim contested the seat. There were two rounds of voting and Mohamed Mukhtar got more votes (27 against 24 Votes) both rounds but the electoral implementation team reported faults and they have intentionally cancelled the clear winner and instead announced to be rerun for a third time. This caused chaos which resulted in the cancellation of elections.
The election was repeated on February 6, 2017, and the electoral implementation team in Kismayo manipulated the electoral college members. The seat is owned by Doqondiide sub-clan of Gaaljecel. The electoral college members were expected to come from the sub-clan however in order to get the much expected result, the electoral implementation team in Kismayo announced that there would be new delegates coming from Gaaljecel instead of Doqondiide. Iimaan Mohamed Hassan, the traditional leader, refused the new arrangement. The Federal Indirect Electoral Implementation Team intervened the matter and determined that there should not be a change of electoral college members. Unfortunately, the electoral implementation team in Kismayo  run the election and the only candidate present was Mr. Abdullahi Adan Shacir who has said to have secured 40 votes against no one. It appears mismanagement over the rerun seat of Jubbaland.