Bandhigii Neymar Ee Kulankii PSG Wuxuu U Qalmaa Inuu Ku Hantiyo Abaalmarinta Ballon d’Or

0
216

Barcelona waxey sameysay soo laabasho cajiib ah, sidoo kalana taariikh ayey aduunka u dhigtay, balse qof walba wuxuu dareensan yahay in Neymar Junior uu ahaa qofka ugu weyn ee ay Barcelona heysatay habeenkii Catalonia.

Cidna shaki ma galin karo shaqada iyo dadaalka uu sameeyay habeenkii mucjisada ahaa ee aan ka go’i doonin qalbiga qof walba oo Catalonia ah.

Qoraaga jariiradda Marca Pablo Egea ayaa fikirkiisa ku cabiray in Neymar Junior uu u qalmo inuu yahay xiddiga ugu weyn ee kulanka sidoo kalana wuxuu aaminsan yahay in bandhigaas uu u qalmo inuu ku hogaamiyo ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or. 

Neymar Junior wuxuu dhaliyay laba gool, sidoo kalana wuxuu qeyb ka qaatay laba gool, midda ugu weyn ayaana ah inuu caawiyay goolkii furaha noqday ee Sergi Roberto.

“Waa kulankii iigu fiicnaa oo aan ebid ciyaaro” ayuu yiri Neymar Junior oo la hadlayay warbaahinta.

Dadka caqliga u saaxiibka ah waxey ugu yaraan qaataan go’aanada uu qaatay Neymar Junior, habka uu ilbiriqsigii ugu dambeeyay kubadda ugu gudbiyay Sergi Roberto waxey aheyd wax muujin kara qaan gaarnimadiisa, waana wiil aan loo dhawaan karin sida uu qabo Pablo Egea.