RASMI: Isku Aadka Afar Dhamaadka Tartanka Emarites FA Cupka Oo La Soo Saaray Iyo Kulamo Xiiso Badan Oo Wembley Stadium Ka Dhici Doona.

0
263

Kadib markii ay kooxda Chlesea dhamaystirtay afarta kooxood ee iskugu soo baxay afar dhamadka FA Cupka ayaa haddaba la soo saaray qaabka ay noqon doonaan kulamada afar dhamadka FA Cupka waxaana sidii la filayay ka soo baxay kulamo aad u xiiso badan. Haddii aad akhrisatay maqaalkii aanu idiin soo gudbinay waxaa la sugayay in kulamo Derbay ahi ay ka soo bixi doonaan afar dhamadka FA Cupka taas oo haddaba dhacday. Manchester City iyo Arsenal ayaa isku wajihi doona afar dhamadaka FA Cupka waana kulan xiiso badan isla markaana uu mid ka mid ahi soo gaadhi doono finalka FA Cupka. Laakiin Chelsea oo Manchester United soo reebtay ayaa afar dhamaadka FA Cupka ku wajihi doonta kooxda ay isku London ka dhisan yihiin ee Tottenham

Arsenal vs manchester city. 

chelsea vs tottenham 

Kooxaha Arsenal iyo Manchester City ayaa saddex jeer oo hore ugu soo kulmay FA Cupka wuxuuna markii ugu danbeeyay ahaa waqti hadda laga joogo 46 sanadood markaas oo ay kooxda Gunners 2:1 guul ugu gaadhay kulankii Maine Raod wuxuuna ahaa kulan ka tirsnaaa wareegashanaad ee FA Cupka.

Laakiin kulanka FA Cupka ee afar dhamaadka ayaa noqon doona kulankii labaad ee ay kooxaha City iyo Gunners iskaga hor imanayaan Wembley Stadium waxaana ka horeeyay kulankii Community Shieldka ee ay Arsenal 3:0 ku dubatay Man City ee sanadkii 2014. Kulamada Afar dhamadka FA Cupka ayaa la ciyaari doonaa maalmaha 22/23 April iyada oo si rasmi ah loo shaacin doono taariikhda iyo waqtigaba.