Ciidankii Gadooday maanta oo Mushaar Lasiiyey

0
745

Warar ay Heshay Idaacada Mustaqbal ayaa waxay ku waramayaan in Ciidankii meliteriga ahaa Ee Maanta Sameeyey Qeybo ka mid ah Muqdisho oo Mushaar loo qeybiyey.

Saraakiil lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ciidanka lasiiyey Lacago ay kusii sugan karaan Xaqa ay uqeylo dhaaminayeen.

Warshadii Hore Ee Nanaca iyo Xarunta Villa Baydhabo ayey kasoo baxeen Ciidankii maanta gadoodka ka sameeyey Lambar Afar iyo meelaha kudhaw.

Maanta Duhurnimadii ayey Ciidanka Meliteriga diideen inuu ka baxo General Cali Baashi Maxamed Xaaji oo Ah Abaanduulaha Ciidanka Xoogga oo Warshadii Nanaca kusugaan Gudaheeda.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Mushaarkooda la siiyey taasi oo keentay in dib ugu laabtaan Xeryihii markii hore ka yimaadeen.