Dani Alves Iyo Paulo Dybala Oo Aan Dooneyn Iney Wareegyada Bug-Baxda UCL Ku Arkaan Barcelona, Sabab?

0
195

Juventus ayaa soo gaartay wareega quarter finalka tartanka Champions League kadib markii ay 3-0 isku cel-celis ahaan kaga soo baxday Porto, waxaase bilaabatay hadal heynta ah isku aadka wareega sideed dhamaadka oo la sameyn doono jimcaha.

Dani Alves ayaan dooneyn iney kooxdiisa Bianconerri ku aado Barcelona kulamada Bug-baxda isagoo kulankaas u arka mid qatar ah madama uusan dooneyn inuu booqdo Camp Nou isagoo cadaw ku ah kooxdisii hore. 

Dani wuxuu saxaafadda u sheegay ineysan walwal ku heynin soo laabashadii ay ku sameeyeen Paris Saint Germain, balse uu kaliya jeclaan lahaa inuu Barcelona wajaho finalka tartanka.

“Ma doonayo inaan la ciyaaro Barcelona, waxey ii noqoneysaa mid aad u adag” ayuu yiri Alves oo la hadlayay beIN Sport. “Hadii aan la ciyaarayo Barcelona, waxaan doorbidi lahaa finalka”

Dhanka kale Paulo Dybala ayaa qudhiisa dalbaday iney kooxdiisa Juventus ku aado Barcelona kama dambeysta tartanka isagoon dooneyn iney isku arkaan bug-baxda.

“Miyaan doonayaa inaan la kulmo Barcelona, Real Madrid ama Bayern Munich? Waa inaan Barce la tagnaa finalka” ayuu Dybala u sheegay Premium Sports.

“Sidii dhacday laba sano ka hor markaas oo aanan joogin”

Ugu dambeyntii Dybala ayaan wax cabsi ah ka qabin kooxda uu wajahi doono, wuxuuna sheegay iney dhamaan yahiin kooxo adag oo dhib badan laga mari doono.