Dimitri Seluk Oo Maamulka Manchester City U Sheegay Inuusan Eed Ku Laheyn Hadii Yaya Toure Uu Ku Biiro Manchester United

0
172

Yaya Toure ayaan loo balan qaadi karin inuu joogi doono Manchester City, balse wakiilkiisa ayaa shaaca ka qaaday iney bilaabi doonaan wadahadalo ay la gali doonaan kooxo kale.

Dimitri Seluk ayaa shaaca ka qaaday in xitaa Yaya Toure uu u wareegi karo Manchester United oo ay si daran u xifaaltamaan kooxda Citizens.

Yaya wuxuu ka mid noqon doonaa lix ciyaartoy oo uu heshiiskooda dhacayo xagaagan kuwaas oo aan helin wali wax qandaraas kordhin ah, wuuna u furan yahay inuu la hadlo kooxda uu doono. Inkastoo uusan wali sidaas sameynin hadana, Seluk wuxuu sheegay inaan isaga iyo Yaya lagu eedeyn doonin hadii uu xidiga xirto maaliyadda Red Devils ee ay maamulka City leeyahiin eedda ugu badan. 

Maxaa dhacay? Jose Mourinho waa macalin wanaagsan. Zlatan Ibrahimovic ayey Yaya iskala soo ciyaareen Barcelona”

“Waan fahmi karaa in labada kooxood xifaaltan ka dhaxeeyo, balse aniga ahaan ma ahan dhib ka yimid xageena, waa dhib ay keeneen maamulka City”

Si kastaba Yaya Toure ayaa ka fakaraya kooxdiisa xigta iyadoo bilooyin yar kadib uu noqon doono xidig si xor ah ugu biiri kara kooxda uu doono.