Gerard Pique Oo Amaan Ugu Qubeeyay Lionel Messi – Muxuuse Ka Yiri Hardanka Horyaalka La Liga?

0
250

Daafaca hadalka kulul ee Barceona iyo qaranka Spain Gerard Pique ayaa amaanay hogaamiyaha Argentina Lionel Messi kana dhawaajiyay in waxa uu sameynayo ay adkaan doonto inuu qof ku celiyo.

Lionel Messi ayaa dhaliyay laba gool kulan ay kooxdiisa 4-2 ku dhaaftay Valencia ciyaar ka tirsan horyaalka La Liga ciyaar ka dhacay Camp Nou xalayto.

Xidigaan reer Argentina waa gooldhaliyaha ugu sareeya ee La Liga madama uu 25-gool shabaqa gaarsiiyay, isagoo lugaha kula jira xili ciyaareed aan caadi aheyn. Pique ayaana ka dhawaajiyay in farsamada iyo xirfadaha xidigaan heerka caalami ay nasiib u yeesheen iney isticmaalan balse ay adkaan doonto in dib loogu celiyo markuu ka gaboobo kubadda cagta. 

Waxaan indhaha ku heynaa xiddiga ugu fiican taariikhda kubadda cagta” Ayuu yiri Gerard Pique oo la hadlayay website-ka gaarka ah ee kooxda.

“Waxaan noqono kuwa istimaala, waxaan ku fakarnay iney tahay wax caadi ah, balse waan ognahay marka uu joojiyo ciyaarista in waxyabaahaan ay adkaan doonto in lagu celiyo”

Luis Suarez iyo Andre Gomez ayaa ku darsaday labada gool ee kale kuwaas oo Barcelona ku dhaweeyay hogaanka horyaalka madama ay 2-dhibcood oo qura ka hooseyaan Real Madrid oo kulan Celta Vigo ah gacanta ku heysata.

“Waan u jeedaa La Liga waa mid macquul ah” ayuu yiri Pique mar la weydiiyay hadii ay macquul tahay iney ku guuleystaan La Liga.

“Kulamo badan ayaa haray farqiga u dhaxeeya hogaamiyayaasha aad buu u yaryahay”