Guddoonka Baarlamaanka oo lagu eedeeyay inay fara gelin ku hayaan dhismaha Golaha Wasiirada

0
157

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Guddoonka golaha shacabka inay fara gelin ku hayaan howlaha dhismaha Golaha Wasiirada cusub.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Guddoonka inay baajiyeen kulamadii baarlamaanka, isla markaana ay wiiqantay awoodoo golaha shacabka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale tilmaamay in Guddoonka ay dayaceen shaqadooda, isla markaana ay ku howlan yihiin soo xulista Xukuumadda oo aanay Dastuurka xaq u siineyn.

Qoraal ay soo saareen Xildhibaanada ayay ku sheegeen in muhiim tahay in la ilaaliyo dastuurka dalka, isla markaana Guddoonka baarlamaanka ay qabsadaan shaqadooda.

Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada qaar ayaa ku mashquulsan raadinta sidii xilal Wasiiro u heli lahaayeen, waxaana xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha hor-dhooban Xildhibaano xil raadis ah.

Xildhibaanada ayaa qarka u saaran inay mooshin ka keenaan Guddoonka Baarlamaanka, maadaama fara gelin qaawan uu ku haayo howsha hey’adda Fulinta.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa loo sababeynaya dib u dhaca ka jira magacaabista Xukuumadda, iyadoo uu qeyb ka yahay is mari waaga xilligan ka jira howsha soo xulista Golaha Wasiirada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari iyo labadiisa kuxigeen ay ku lug leeyihiin arrimaha ka jira golaha wasiirada, iyagoo ku cadaadinaya madaxda kale in xubno ay iyaga wataan loogu daro xukuumadda.

Dib u dhac ayaa ku yimid waqtigii laga filayay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo magacaabo Golihiisa wasiirada, iyadoo muddo 11 cisho ay uga harsan tahay mudada uu u heysto inuu ku soo magacaabo Xukuumaddiisa, kuna hor-keeno Baarlamaanka, taasoo ku eg 30-ka bishan.

Jowhar