Hordhac: Atletico Madrid v Bayer Leverkusen – Diego Simeone Oo Doonaya Inuu Wareega 8da Champions League Kula Biiro Barcelona Iyo Real Madrid

0
198

Kulanka: Atletico Madrid v Bayer Leverkusen

Natiijadii Lugta Hore; Bayer Leverkusen 2-4 Atletico Madrid

Garoonka: Vicente Calderon

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Atletico Madrid ayaa 4-2 ku soo badisay kulankii lugta hore ee wareega 16ka ee ay Bayer Leverkusen kula ciyaareen Jarmalka, waxaana caawa ay kulanka lugta labaad ku martigelinayaan garoonka Vicente Calderon ee magaalada Madrid.

Kooxda reer Spain ayaa rajo fiican ka leh inay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid kula biiraan wareega sideed dhamaadka iyagoo sidoo kale wareega 16ka ku reebay Leverkusen xilli ciyaareedkii 2014-15 markaasoo ay rigoore ku badiyeen.

Kooxda Los Cholchoneros waxa ay sidoo kale niyada ku dhisanayaan inay gacanta sarre heleen todobadii kulan ee labo lug ah ee ay la ciyaareen kooxaha Jarmalka.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Atletico Madrid waxaa ganaaxyo kaga maqan Gabi iyo Filipe Luis kulanka caawa halka ay sidoo kale dhaawacyo jilibka ah ku seegayaan kulanka caawa Tiago iyo Fernandez iyadoo weeraryahan Gameiro uu isna caloosha ka xanuunsanayo. 

Fernando Torres oo dhaawac madaxa ah uu soo gaaray dhowr maalmood ka hor ayaa weli shaki uu ku jiraa haddii uu ciyaari karo halka Savic uu isna sanka dhaawac ka qabo.

Dhanka Bayer Leverkusen iyagana waxaa ganaaxyo kaga maqan Calhanoglu iyo Henrichs halka xiddigaha kala ah Bender, Henrichs, Kiessling, Tah iyo Toprak ay dhamaantood dhaawacyo ku maqan yihiin. Havertz ayaa isna seegaya kulanka caawa maanta uu imtixaan u fariisanayo.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Atlético Madrid (4-4-2): Oblak; Juanfran, Godín, Giménez, Hernández; Carrasco, Ñíguez, Koke, Partey; Griezmann, Correa.

Bayer Leverkusen (4-2-3-1): Leno; Da Costa, Jedvaj, Dragović, Wendell; Baumgartliner, Kampl; Bellarabi, Volland, Brandt; Hernández.