Hordhac: Barcelona vs Paris Saint Germain – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ee Camp Nou

0
218

Barcelona ayaa soo dhaweyneysa Paris Saint Germain iyadoo leh rajo aan sidaas u cago badneyn, sidoo kalana dooneyas iney lama filaan aduunka ka dhigaan waase hadii uu waqtigu siiyo.

Balaugrana waxaa la gaarsiiyay heer quusasho madama 4-0 lagu soo suldaaray markii ay booqdeen beydka Paris, mana dhicin taariikhda koox heerkaan la gaarsiiyay iney soo kabato isla markaana wareega dambe u gudubto.

Paris Saint Germain waxey ku jirtaa hanaan fiican, waxeyna caawa dooneysaa iney Barcelona ka tuurto tartanka si ay u muujiso iney diyaar u tahay ku guuleysiga koobkaan. 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Paris Saint Germain

Tartanka: Champions League

Garoonka: Camp Nou

Garsoore: Deniz Aytekin (Germany)

Saacadda: 10:45 Habeenimo

Natiijo Hore: PSG 4 – 0 Barca.

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Luis Enrique ayaa qarka u saaran inuu xusho shaxdiisa ugu adag oo uu ka rajeyn karo guul soo laabasho leh marka labada kooxood ay isku fara saaraan caawa garoonka Camp Nou isagoo xasuusan in 4-0 lagu soo lagday kulankii ka dhacay Paris. 

Aleix Vidal iyo Jeremy Mathieu ayaa labaduba dhaawacyo ku seegaya kulankaan, inkastoo kooxda inteeda kale ay tababar buuxa qaateen ka hor kulanka caawa.

Dhinaca kale Paris Saint Germain laba dhibaato oo xoog leh ayaa heysata waxaana shaki la galinayaa iney maqnaadan Thiago Mota iyo Angel Di Maria kuwaas oo xanuuno yaryar qaba.

Adrien Rabiot ayaa kasoo kabtay xanuun uu la ildarnaa maalmahii lasoo dhaafay, waxaana la rajeynayaa inuu kulankii shanaad oo xiriri ah kusoo bilowdo.

 

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Marka kaliya oo ay PSG ka reebtay dhigeeda Barcelona tartanka Champions League waxey aheyd 1994/95 wareega quarter finalka (3-2 isku cel-celis). tan iyio markaas, Barcelona ayaa guuleysatay laba jeer oo ay isku arkeen Paris wareegyada bug-baxda. (2012/13, 2014/15).

Barcelona waxey ku lumisay lugtii hore 4-0, waana guuldaradii ugu culeed oo kasoo gaartay tartanka UCL dhawaanahaan, markii ugu xumeyd ka hor dhacdadaan waxey sidaan oo kale xasuuq kala kulantay Bayern Munich oo lugtii dambe ee Camp Nou 3-0 ku dhufatay mar kale.

 

Barcelona sagaalkii xili ciyaareed ee ugu dambeeyay wareega 16-ka wey dhaafeysay, waana rikoorkodii ugu dheeraa ee tartanka. markii ugu dambeysay oo ay ku fashilmaan iney wareegaan gudbaan waxey aheyd 2006/07.

PSG sidoo kale afartii xili ciyaareed ee ugu dambeysay waxey dhaafeysay 16-ka, balse Quarter Finalka ayaa lagu soo reebayay kooxda ka dhisan faransiiska.

LINE UPKA MACQUULKA AH: