Hordhac: Manchester City vs Liverpool – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Etihad Stadium.

0
157

Liverpool ayaa isha ku heysa iney sii wadato rikoorka fican oo ay ka heysato lixda kooxood ee ugu sareeya horyaalka iyadon hal guuldaro kala kulmin, kooxda ay dhibcaha ugu yar ka qaadatay waa Man United oo ay ka heshay 2-dhibcood halka Arsenal ay tahay kooxd ugu badan madama ay ka heshay 6-dhibcood.

Liverpool waxey booqaneysaa Etihad Stadium iyadoo dooneysa iney ka saramarto Manchester United oo kaliya dhibic qura ka sareysa, halka Spurs qudheeda ay dhibic qura ka sareyso balse ay kulan waqti ka horeeya ah la leedahay Southampton.

Pep Guardiola iyo wiilashiisa waxey la careysan yahiin jabkii kusoo gaaray France markii As Monaco ay 3-1 kusoo qaarijisay kana reebtay tartanka Champions League. 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester City vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Garsoore: Michael Oliver (England)

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (XGA)

City waxey weyneysaa Gabriel Jesus iyo Ilkay Gundogan kuwaas oo mudo dheer garoomada ka maqnaan dona, balse Guardiola wuxuu dooq u heystaa inuu kusoo bilaabo Yaya Toure iyo Nicolas Otamendi oo uusan adeegsan kulankii As Monaco.

Vincent Kompany ayaa sidoo kale rajeynaya in dib loogu yeero safka hore, kaliya lix kulan ayuuna saftay dhamaan xagaagan.

Dhanka kale Liverpool ayaa rajeyneysa in Roberto Firmino uu taam buuxa u noqon karo kulanka maanta inkastoo uu dhaawac gumaarka ah ku seegay kulankii Burnley. Firmino jimcadii ayuu kusoo laabtay tababarka, halka Origi shaki la galinayo madama uusan tababaran khamiistii. 

Dejan Lovren ayaa taam buuxa u ah kulankaan kadib markii uu 75-daqiiqo ciyaaray kulan ay 23-jirada Reds ciyaareen isniintii, balse Daniel Sturridge iyo Jordan Henderson ayaa labadaba ka maqan kooxda.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester City ayaa lumisay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay kulamada EPL-ka la kulantay Liverpool.

Liverpool ayaa afar jeer oo xiriir ah kulamada horyaalka guul ka heshay City markii ugu horeyasy tan iyo 1981 markaas oo ay 7-jeer oo xiriir ah guulo ka qaateen.

City ayaa ku fashilantay iney shabaqa ka ilaashato Liverpool 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku kulmaan dhamaan tartamada oo dhan, 23-gool ayaa shabaqooda lagu shubay.

Philippe Coutinho ayaa afar gool ka dhaliyay kulamada horyalka Manchester City, waana kooxda ugu badan oo uu goolal ka dhaliyay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man City:

Caballero; Sagna, Otamendi, Stones, Kolarov; Toure, Fernandinho, Sterling, De Bruyne, Sane; Aguero

Liverpool:

Mignolet; Clyne, Matip, Lovren, Milner; Wijnaldum, Can, Lallana; Mane, Firmino, Coutinho