Kooxda Barcelona Oo Rikoor 46-Sano Aan Laga Sameyn Horyaalka La Liga Hirgalisay – Muxuu Yahay?

0
192

Kadib 28-kulan oo ay ciyaartay xili ciyaareedkaan socda, Barcelona ayaa ka badbaaday (Kaar Cas Iyo Rigoore) waxeyna noqotay kooxdii ugu horeysay ee sidaas sameysay tan iyo sanadii 1971.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa si wadajir ah u sameeyay rikoorkaan 46-sano ka hor, balse markaan Barcelona ayaa ku raaxeysaneysa ineysan la dhibtoonin go’aanno garsoore waxaana laga saaray lix ciyaartoy kooxaha kasoo horjeeday. 

Dhawr jeer ayey dhacday xagaagan in labadaan koox lagu abaalmariyo rigoore ama casaan la siiyo ciyaartoy kasoo horjeeda balse xili ciyaareedkaan ma jiro xidig Barca ah oo laga saaray ciyaarta sidoo kalana ma jirto in gool ku laad lagu abaalmariyay kooxaha kasoo horjeeda.

Real Madrid waxaa la xasuustaa in dhawaan casaan laga siiyay Gareth Bale kulan ay kooxdiisu dhaafi weysay Las Palmas.