Laamaha Socdaalka iyo jinsidaha ee Somaliya iyo Rwanda oo kulmay

0
70

Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ay wehliyaan Agaasimayaasha laamaha socdaalka iyo jinsiyadaha dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada kigali ee Dalka Rwanda.

Agaasime Koofi iyo Wafddiga la socda waxaa dalkaas ku soo dhaweeyay Saraakiisha dhiggooda ah ee Waddanka Rwanda.

Saraakiish labada Hay’adood waxaa ay qaadanayaan Aqoon isweydaarsi la xiriira shaqada labada Hay’adood iyo labada dal.

Waxaa ay is dhaafsan doonaan xeerarka socdaalka iyo Jinsiyadaha waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin iyo kuwa ay ka mideysanyihiin.