Lionel Messi Oo Ganaax Ku Seegi Doona Kulanka Ay Barcelona U Safri Doonto Granada Ee Horyaalka

0
146

Lionel Messi ayaa xalay u hogaamiyay guul kooxdiisa Barcelona kadib markii uu laba gool dhaliyay kulan ay 4-2 ku dhaafeen Valencia oo 10-ciyaartoy ku ciyaareysay inta badan ciyaarta kadib markii laga saaray qeybtii hore Mangala oo si kutalgal ah ugu dhagay Suarez.

Leo wuxuu haatan ku hogaaminayaa gooldhalinta horyaalka La Liga 25-gool, sidoo kalana waa hogaamiyaha ugu sareeya gooldhalinta horyaalada yurub madama uu 50-dhibcood leeyahay isagoo ka saramaray Aubameyang oo 46-dhibcood lasoo tiigsaday. 

Dhanka gooldhalinta La Liga – Luis Suarez ayaa kusoo xiga kaas oo 21-gool dhaliyay, halka Cristiano Ronaldo uu dhaliyay 19-gool.

Si kastaba Lionel Messi wuxuu seegi doonaa kulanka Granada ee ay 2-da April u safri doonaan madama isbuuca soo socda aan la ciyaari doonin kulamada horyaalka.

daqiiqadii 86-aad ayuu muteystay kaar jaale ah wuxuuna ahaa kiisii shanaad taasoo sharci ah ka mamnuuceysa inuu ciyaaro kulanka xiga.