Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Socdaal Qarsoodi ah ku Yimid Soomaaliya.

0
78

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa Shalay Safar Qarsoodi ah ku tagay Magaalada Dhoobleey Ee Gobolka Jubadda Hoose ee Soomaaliya una Dhow Xadka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa booqashadii Shalay oo Sabti ahayd Madaxweyne Uhuru ku tagay Dhoobley ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Mr Kenyatta oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Kenya ayaa isagoo xiran dareys milateri waxay diyaarad helicopter ah ka dejisay saldhig Ciidamada Kenya ee ka tirsan howl galka AMISOM ku leeyihiin Dhoobley.

Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid uu Madaxweynaha Kenya ku dhiira gelinayay ciidamada Kenya ee ka qeyb qaadanaya howl galka AMISOM.

Waxaa uu ku amaanay in ciidanka kenya inay si naf-hurnimo ah u gudanayaan waajibaadkooda, una difaacayaan dalkooda hooyo.

“Joogitaankiina Soomaaliya, wuxuu bad baadiyay nafaf badan, dadka kenyan ah waligood way idinku faani doonaan, joogitaankiina halkan waxay ugu yaraan dadka ka qaaday cabsidii Al-Shabaab”ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo la hadlayay Ciidamadiisa.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala hadlayaan muhiimada inay dhistaan ciidamadooda Milateri, si ciidamadiisa ay dalkooda ugu laabtaan, taasoo ah qeyb ka ah buu yiri istiraatiijiyadooda ay uga baxayaan Soomaaliya.

Saldhiga Milateri ee Dhoobley ayaa ka mid ah xarumaha howl galka AMISOM ee ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Booqashada Uhuru ee Dhoobley ayaa loo arkaa olole doorasho, maadaama dhowaan uu geli rabo Tartan adag oo ah doorashada madaxtinimada dalkiisa, xilli mucaaradka ay dalbanayaan in Ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu dhowaan booqdo dalka Kenya, oo aan wali dhaqan gelin heshiiskii saddexda qodob ahaa ee bishii September ee sanadkii 2016 Muqdisho ku kala saxiideen Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.