Muxuu James Milner Uga Dhignaa Goolkii Uu Xalay Manchester City Kaga Dhaliyay Etihad Stadium?

0
135

Liverpool jookarkeeda James Milner ayaa rikoor cusub xalay u dhigay horyaalka Premier League kadib markii goolkiisa uu kooxdiisa ka saaciday iney barbaro 1-1 ah Etihad Stadium kula soo gasho kooxdisii hore Manchester City.

James Milner ayaa dhaliyay gool rigoore ah intii lagu jiray qeybtii dambe ee ciyaarta ka hor inta uusan Sergio Aguero ka dhigin ciyaarta barbaro. 

Si kastaba James Milner ayey u suuragashay inuu rikoor uu kali ku yahay abuuro, wuxuuna noqday xidigii ugu horeeyay ee dhaliya goolashii ugu badnaa kulamada horyaalka heerka koowaad ee aan hadana guuldaro la kulmin.

47-kulan ayuu gool dhaliyay Milner kulamada Premier League-ga lagama adkaan koox uu maaliyadeeda xirnaa, 37-kulan wuu guuleystay 10-jeerna barbaro ayuu ku dhameestay.