Pep Guardiola Uma Burburin Karo Premier League-ga Si La Mid Ah Spain & Germany” Sidaa Waxaa Yiri Jurgen Klopp

0
146

Tababare Jurgen Klopp ayaa u sheegay saaxiibkiisa Pep Guardiola in horyaalka Ingiriiska uusan noqon doonin mid ula mid ah Spain iyo Jarmalka oo uu kusoo baashalay, balse macalinka reer Spain waxaad moodaa iney xaaladiisa meel dhexaad tahay.

Jurgen oo ka hadlayay shirkiisa jara’id ee ka hor kulanka Manchester City ayaa ka dhawaajiyay in kooxdii Barcelona ee Pep ay tahay koox mudan in lagu daydo sidoo kalana horyaalka La Liga uusan aheyn mid kooxahiisa dhamaan ay wada dagaalami karaan. Shaki ma galinayo tayadiisa, laga yaabee dadka qaar iney shaki galiyaan, balse aniga maya, waan xushmeeyaa in badan isaga, miyuu adkaaday kulamo badan? Haa 

“Balse waad ogtahay, sida uu u adag yahay horyaalkaan iyo ciyaartoyda tayada wanaagsan ee joogta, kooxdii uu Pep ku heystay Barcelona waxey ahaayeen kuwa mudan in lagu daydo markey tagto xaaladda guulaha”

“Real Madrid ayaa mar walba halkaas jogogta, Atletico Madrid marmarka qaar, balse kooxaha kale sidaas uma wanaagsana, mana lahan awood ayey kula dagaalaman Barceona. Jarmalka ma jirin koox labaad sidey ila tahay waan isku daynay mrkaan Dortmund joogay”

Dhanka kale Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in xitaa kooxaha yaryar ee heerka labaad u laaban kara xagaaga soo socda ay guulo ka gaari karaan kooxaha waaweyn isagoo tusaale usoo qaatay Burnley iyo Hull City.