Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo si kulul Uga hadlay Duqeyntii Lagu laayay Qaxootigii Soomaalida.

0
250

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre War Saxaafadeed  kasoo baxay  Xafiiskiisa ayaa waxaa uu si Kulul uga hadlay Duqeentii Dhawaan ka Dhacday Xeebaha Dalka Yemen Kaasi oo lagu laayay Qaxooti Soomaaliyeed oo kasoo Bara kacay Dalka yemen Kuwaasi oo ku sii jeeday Dalka Suudaan.

Waxaana lagu  Sheegay in uu la murugooday Dhimashadii Ku timid Qaxootigii Soomaaliyeed oo lagu Laayay Xeebaha Yemen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Ugu dambeyn, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.