R/WASAARE XASAN CALI KHAYRE ISLA XISAABTAN AYAA BILAABANAYA

0
135

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre (Xasan Bile) ayaa sheegay in ay bilaabaneyso isla Xisaabtanka Hay’addaha Dowladda.

Waxa uu sheegay R/wasaaraha in shaqada ay hayaan lagula Xisaabtamayo Shaqaalaha Dowladda, wuxuuna tilmaamay in la joogteyn doono Xuquuqda Shaqaalaha isla markaana dhankooda lagula Xisaabtamayo shaqooyinka ay hayaan.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay la imaan doonto isbadal dhab ah iyo la Xisaabtan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in ay muhiim tahay in Hay’ad walba ay ka soo baxdo howsha loo igmaday, isaga oo intaa ku daray in uu joogteyn doono koormerka iyo la Xisaabtanka Hay’addaha Dowladda.

Shalay ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre (Xasan Bile) uu kulankiisa ugu horeeyay la qaatay Shaqaalaha Xafiiskiisa R/wasaaraha.