Somali lagu xir xiray Xeebaha dalka Yemen

0
64

Wargeyska Asharqal-awsad ayaa qoray inay Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha Sacuudiga qabteen Tahriibayaal Ajaaniib ah oo ay Somali ku jireen, kuwaasi oo doonayey inay ka soo gudbaan xuduudka Sacuudiga la wadaagaan Yemen.

Afhayeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, Jeneral Mansuur Al-turki ayaa sheegay inay Ilaaladda Xuduudaha qabteen Tahriibayaal tiradoodu dhan tahay 1,265 qof, kuwaasi oo doonayey inay sharci la’aan kaga so ogudbaan Degmadda Al-dayer Bani Malik  ee Gobalka Jazan ee dalka  Sacuudiga.

Bayaan uu Afhayeenku soo saaray ayuu ku sheegay in tahriibayaasha la qabtay kala ahaayeen 847 qof oo u dhalatay Yedmen, 309 oo u dhalatay Ethiopia iyo 16 Somali ah.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay Ciiddanka toogteen 3 qof oo waxyaabaha qarxa ka soo gudbin lahaa Sacuudiga la wadaagaan Yemen.

Hawlgalkaasi waxaa lagu dhaawacay 2-kale, halka 30-kalena is-dhiibeen, lamana sheegin dalalka ay u dhasheen.

Jimcihii ayey ahayd markii weerar lagu qaaday Doon ay saarnaayeen Qaxooti Soomaali ah lagu dilay 45 Qof oo Soomaali ah ,iyada oo dhinacyada ku lugta leh colaadda Yemen ay isku eedeeyeen mas’uuliyadda xasuuqa loo geystay shacabka Soomaaliyeed