Workneh Gebeyehu iyo C/Wali Gaas oo ku shiray Adis ababa

0
150

Adis ababa: Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Adis ababa ee xarunta Dalka Itoobiya kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Workneh Gebeyehu.

Gaas ayaa Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya kala hadlay isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya gaar ahaan doorashada Madaxweyne Farmaajo iyo xiriirka Puntland iyo itoobiya.

Wasiir Workneh Gebeyehu,ayaa sheegay in Puntland uu ku bogaadinayo doorka ay ka qaadaneyso la dagaallanak Al-shabaab iyo burcad Badeedda oo uu sheegay in ay yihiin qatarta hadda uu wajahayo geeska Afrika.

Mr Gaas ayaa Wasiir Workneh Gebeyehu uga mahad celiyay soo dhaqeynta uu ugu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adis ababa halkaas oo ay kulan ku yeesheen labada dhinac.

Gaas ayaa safar kaga soo laabtay Imaaraadka waxaana uu mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Dubai kala hadlay maalgashiga degaannada Maamulka Puntland.