Xidigii Hore Reds Iyo Citizens Dietmar Hamann Oo Shax Isku Dhaf Ah Kasoo Xushay Kulanka Manchester City vs Liverpool.

0
132

Ka hor kulanka caawa ka dhici doona garoonka Etihad Stadium ee ku yaala magaalada Manchester, hadana xidigii hore qaranka Jarmalka iyo kooxaha Manchester City Iyo Liverpool Dietmar Hamann ayaa soo doortay shax isku dhaf ah oo uu kasoo xushay ciyaartoyda labada kooxood.

Hamann oo in ka badan 300 kulan u saftay labada kooxood ee is wajahaya caawa muddo 10-sano ah oo uu ku sugnaa Premier Leageu – ayaa doortay shax uu ku saleeyay miisaanka iyo waxqabadka ciyaartoyda labada dhinac. 

Hamann oo 9-biladood ku helay mudadiisa Anfield ayaa kaliya kasoo xushay 3-xidig oo kaliya wiilasha Jurgen Klopp taasoo ka dhigan inuu 8-ciyaartoy kasoo xushay kooxda Pep Guardiola.

Hamann oo ah shaqsi aad ugu dhexjira kubadda cagta kana mid ahaa ragii uu Rafael Benitez ku burburiyay Milan finalkii ka dhacay Istanbul 12-sano ka hor ayaa doortay qaab ciyaareedka 4-2-3-1. 

Hamann ayaa doorashada goolhayaha ku saleeyay hanaanka haatan isagoo doortay goolhaye Willy Caballero kaas oo talada goolka ee City kala wareegay saxiixa cusub ee kooxda Claudio Bravo kaas oo si xun ku bilowday waayahiisa horyaalka Ingiriiska, midkoodna ma uusan dooran Karius iyo Mignolet.

Sidoo kale afartiisa daafac kaliya Joel Matip ayuu kasoo xushay Liverpool halka sadexda kale uu siiyay Manchester City waana Zabaleta, Stones iyo Kolarov.

Sterling ayuu ka doorbiday Sadio Mane, halka De Bruyne uu ka doorbiday Lallana, waxaana xusid mudan in Silva iyo Henderson uu ku lamaaniyay khadka dhexe.

Iska ilow Firmino, wuxuu soo xushay Hamann xidiga reer Argentina Sergio Aguero