Aaas loo sameynayo dadkii ku dhintay massibadii Colombia

0
164

Dalka Columbia waxaa ka socda tacsi iyo aas loo samaynayo dadkii ku dhamaaday mashaqadii dhoobada soo rogantay.

Dad ka badan labo boqol oo qof ayaa ku dhintay magaaladda Mocoa ka dib markii dhoobo iyo biyo iswata ay ku rogmadeen.

Dad baadigoobaya ehelkooda ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha maydka lagu keydiyo.

Saraakiisha caafimaadka ayaa ka digaya inay cuduro faafaan maadama maydadku ay aad u badan yihiin.

Dadka degan deegaanada koonfurta galbeed ee dalkaasi ayaan haysan koron iyo biyo la cabo.

Waxaa gargaarka lagu geynayaa dhulkaasi diyaaradaha iyadoo wadooyinka aanan la mari karrin.

Inkastoo uu weli baadigoobku socdo. Hadana waxaa jirta rajo aad u yar oo laga muujinayo in la helo dad nool.