Al Shabaab oo weeraray Saldhig AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Degmada Qoryooleey.

0
1014

Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

War ay ku faafiyeen Al Shabaab barahooda Internetka ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkooda uu ka dambeeyay ka gadaal markii ay ka war heleen in Ciidamada AMISOM ay damacsan yihiin in ay isku ballaariyeen qeybo kale oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana Al Shabaab sheegteen in weerarkooda ay ku dileen tiro ka mid ahaa Ciidamadaasi AMISOM walow aysan cayimin.

Ma jirto wax war ah oo arrintaan ay ka soo saareen Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo la sheegay in Saldhig ay ku leeyihiin duleedka Degmada Qoryooleey lagu weeraray.