Amisom oo gaari looga gubay duleedka Degmada Afgooye

0
177

Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii waxaa qarax xoogan lagula beegsaday duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose 

Qaraxan oo ahaa miino horey wadada dhinaceeda loogu diyaariyay, ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyadii ay wateen Ciidanka Amisom, oo xilligaasi maraayay Deegaanka Muuri.

Qaraxa ka dib, ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo dhawr jiho ay u furayn Xoogaga Midowga Afrika, inkastoo aan illaa iyo hadda la soo sheegin waxyeelo ka soo gaartay dadka deegaanka.

Ciidanka Amisom oo goobtaasi ku hakaday, ayaa muddo hakad geliyay isu socodka gaadiidka, iyagoona mar dambe goobtaasi ka jiitay gaarigii laga gubay.

Haweeney ka tirsan dadka deegaanka, ayaa Dhacdo.com u sheegtay in ay arkayn qaar ka mid ah Ciidanka Amisom oo ku dhaawacmay qaraxaasi iyo askartii kale ee qaraxa ka badbaaday oo u gurmanaysa.

Taliska Amisom iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa ka gaabsaday in ay tafaasiil ka bixiyan qaraxa lagu gubay mid ka mid ah gaadiidka Amisom,

Qaraxyada lala beegsado gawaarida Ciidanka Amisom, ayaa ku soo noq noqday Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana la dhihi karaa waa midka ugu badan ee qaraxyada lagula beegsado Amisom.

Qaraxyada, ayaa u muuqdo kuwo qayb ka ah dagaalka jabhadeynta ah ee Shabaabku ka wadaan qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.