Camey “Waxba iskama bedelin mowqifkii aan ku mamnuucnay Al-saadicuun”

0
1084

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar (Camey) oo maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay inuusan wax iska bedelin mowqifkii Puntland degaanadeeda ay uga mamnuucday Ururka Al-Saadicuun Bil Xaq.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal inuu si qaldan u fasiray kulan uu la qaatay masuuliyiinta ka tirsan Ururkaasi, islamarkaana aanan loo  baahneyn in aanan la badalin mowqifka Puntland.

Wuxuu sheegay Al-Saadicuun Bil xaq in laga mamnuucay Puntland, sidoo kalena ay Puntland tahay Maamulkii ugu horeeyay ee Ururkaan Toosh ku ifiso.