China oo ballaarinaya Saldhiggiisa Jabuuti

0
322

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay balaarinayso Saldhiga Milatari ee ay ku leedahay dalka Jabuuti si loola dagaalmo Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Dowladda Shiinaha oo intiisa badan Saldhigaasi dhisatay sanadkii 2015 tii ayaa hadda ku dhawaaqay in si weyn loo balaarin doono si looga hortaggo Weerarada iyo Afduubyadda ay geysanayaan Kooxaha Burcadbadeeda.

War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in Maraakiibta dagaalka Qaramada Midoobey iyo sido kale kuwa dowladda Shiinaha ay badweynta Hindiya iyo Gacanka cadmeed ay ka bilaabi doonaan howlgallo lagu sifeynaayo Burcadbadeeda.

Sidoo kale dowladda Shiinaha waxa ay walaac ka muujisay soo laba kacleynta Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto Falalka kooxaha Burcabadeeda Soomalida ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay waxaana hadda gacantooda ku jira doomo Ganacsi.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.