Denmark oo malaayiin doollar ku bixineysa abaaraha Somaliya

0
139

Dowladda Denmark ayaa sheegtay in 23 Milyan oo lacagteeda ah ay ku bixineyso Abaaraha ka jira Soomaaliya kaddib markii ay sheegtay in ay ka xumaadeen gaabiska ka muuqda hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya dalka Soomaaliya.

Wasiirka Horumarinta Waddanka Denmark Ulla Tørnæs,ayaa sheegtay in dowladda Denmark ay lix Hay’adood oo laga leeyahay dalkeeda u dhiibi doonto lacagtaas si ay ugu maareeyaan abaaraha ka jira Soomaaliya.

Waxaa ay xustay in kaalmada Denmark aad loogu baahanyahay meelo badan oo Caalamka islamarkaana ay hadda bixinayaan lacagta ugu badan ee ay ugu tala galeen Abaaraha ka jira Geeska Afrika iyo Yemen.

Dowladda Denmark waxa akale oo ay sheegtay in 47 Milyan oo lacagteeda ah ku bixineyso Dalka Koofurta Suudaan halka Dalka Yemena ay ku bixineyso 25 Milyan.

Hay’adaha fulinaya kaalmada Dowladda Denmarka ee laga leeyahay dalkaas waxaa ka mid ah;Caritas, Dansk Flygtningehjælp, Dansk Røde Kors, Folkekirkens Nødhjælp, Red Barnet iyo Adra.

Hay’adahan qaarkood gaar ahaan Hay’adda Caritas waxaa ay ka diiwaan geshan tahay Xarunta Vatican-ka ee Rome,waxaana ay qaabilsan tahay baahinta Mad-habta Katooligga.