Hordhac: Middlesbrough v Arsenal – Ka Dib Xasuuqii Ka Soo Gaaray Crystal Palace Isniintii Hore, Arsenal Wadada Guusha Ma Ku Soo Laaban Doontaa?

0
326
  • Kulanka: Middlesbrough v Arsenal

  • Garoonka: Riverside

  • Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika

  • Garsoore Anthony Taylor

Arsène Wenger ayaa ku fekeri kara inuu dhibaatooyin ku wajahayo Arsenal laakiin Middlesbrough ayaa xaqiiq ahaan dhibaato ku jirta. Waa koox kaliya ee horyaalka kubada cagta Ingariiska ee aan wax guul ah gaarin sannadkan 2017, guushoodii ugu danbeysay ee horyaalka waxa ay ka gaareen Swansea 17kii bishii December.

Dhanka kale Wenger ayaa ka warqaba inay kooxdiisa howl adag u tahay inay ku dhameystaan afarta kooxood ee ugu sareysay horyaalka isagoo qirtay inay seegi karaan markii ugu horeysay Champions League intii uu macalin ka ahaa kooxda.

Sideedii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay ciyaartay Arsenal waxa ay badiyeen kaliya labo kulan oo ka mid ah iyagoo barbaro galay kulan kale, halka shanta kulan kale laga badiyay taasoo keentay inay u dhacaan kaalinta todobaad iyagoo leh 54 dhibcood, waxaana ay 10 dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Man City laakiin Gunners labo kulan ayaa u harsan marka City loo eego.

Arsenal waxaa Isniintii hore 3-0 ku soo xasuuqday kooxda Crystal Palace, waxaana ay rajeynayaan in Isniinta caawa ah inaysan la kulmin natiijo taas la mid ah, waxaana ay ku qasban yihiin inay ku soo laabtaan wadada guusha si ay u soo nooleeyaan rajada yar ee ay qabaan. 

MAXAA KA CUSUB?

Middlesbrough ayaa waxaa niyad-dhis u noqon doona soo laabashada kabtan George Friend oo ka soo kabsaday dhaawac kubka ah. 

Gaston Ramirez ayaa sidoo kale diyaar ah ka dib markii canqowga ay jug ka soo gaartay, xiddiga kaliya ee ka maqnaanaya waa Calum Chambers oo aan ka horimaan karin kooxda milkiyadiisa iska leh.

Arsenal ayaa dib u soo dhaweyn doonta kabtan Laurent Koscielny kaasoo labo kulan ku seegay dhaawac.

Goolhaye Petr Cech ayaa isna soo laaban kara ka dib dhaawac kubka ka soo gaaray laakiin Lucas Perez iyo David Ospina ayaa weliba dhaawacyo ku maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH: 

Middlesbrough (5-3-2): Valdes, Barragan, Ayala, Espinosa, Gibson, Downing; Clayton, Leadbitter, Forshaw; Negredo, Stuani.

Arsenal (4-2-3-1): Cech; Monral, Mustafi, Gabriel, Bellerin; Coquelin, Elneny; Sanchez, Ozil, Walcott; Welbeck

MA OGTAHAY?

  • Middlesbrough labada badinin afar kulan oo Premier League ah oo ay gurigooda ku soo dhaweeyeen Arsenal. Labo kulan oo ka mid ah ayay badiyeen halka labada kulan kale ay ku dhamaatay barbaro.
  • Arsenal ayaa shabaqa soo taabatay 13kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay martida u ahaayeen Middlesbrough.