Jaamacaddo lagu eedeeyay Tayo la’aan oo la xiray

0
481

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in ay xireen Jaamacaddo ku yaalla degaanada maamulka Somaliland ,kuwaa soo lagu eedeeyay in aysan buuxin Shuruudihii looga baahnaa Jaamacad.

Wasiirka Wasaaradda Waxbashada maamulka Somaliland Cabdullaahi Maxamed Habane ayaa sheegay in Jaamacaddaha la xiray lagu eedeeyay in aysan bixin Waxbasho tayeysan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qaarkood lagu eedeeyay in  ay Magacyadda iska badeleen ,islamarkaana lagu jahwareeray. 

Mudane Habane ayaa Xusay Jaamacaddaha la xiray in ay dhan yihiin 3 Jaamacadood.

Jaamacadaha ku yaalla degaanada Soomaalida qaarkood ayaa waxa lagu eedeeyaa in ysan bixin waxbasho tayo leh ,islamarkaana qaarkood aysan buuxin karin Shuruudihii Jaamacad looga baahnaa.