Japan oo $10,000 ugu deeqday dadka laga soo celinayo Dhadhaab

0
573

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa soo dhaqeysay deeq lacageed oo ka soo gaartay Dowladda Japan,taas oo loogu talagalay in wax looga qabto dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab.

UNHCR waxaa ay sheegtay in lacagahaas ay u adeegsan doonto dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira Dhadhaab gaar ahaan kuw aiskood isu soo diiwaan geliya ee doonaya in ay ku laabtaan Soomaaliya.

Lacagtan waxaa kale oo wax looga qaban doonaa dadka horay loo soo celiyay ee ku jira xeryo ay sameysay UNHCR oo ku yaalla gudaha Soomaaliya kuwass oo u baahan adeegyada aas aasiga ah sida Waxbarashada,Biyo nadiif ah iyo Caafimaadka.

Dowladda Japan,ayaa sheegtay in $10,000 ee Doollarka Mareykanka ah ay ugu talagashay in lagu fududeeyo dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ah.